Soomaaliya oo loo xukmiyey dacwadda badda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda cadaaladda aduunka ayaa xukmisay in Soomaaliya ay leedahay xuduuda badda ee ay muranka gelisay Kenya. ICJ waxay sidoo kale faafisay khariirad ay ku muujineyso sidda ay noqoneyso sohdinta.

Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa yiri "Warkii oo kooban Soomaaliyaa ayaa loo xukumay badda la isku haystay inteedii badnayd".

Dafac ayaa raaciyey: "Isbedel ayaa lagu sameeyey laynka saxda ah ee la raaco sababta oo ah Kenya ayaa hadii kale noqonaysa meel xidhan maadaama oo ay cidhiidhi gelisay xadaynta Tanzania iyo ta Soomaaliya".

Wuxuu intaas kusii daray: "Khadka la bedelay maaha mid ay wax badan ku heshay Kenya".

Dhanka kale, Garyaqaan Axmed Khayre ayaa qoray "in maxkamadda ay qaadatay qaabkii Soomaaliya soo jeedisay in lagu xadeeyo xuduud badeedka oo ah in la raaco equidistant line".

"Waxa ay markaas qiimeesay in ay jiraan duruufo qasbaya in xariiqa la faragaliyo(adjustment). Kenya waxa ay soo jeedisay dhowr duruufood oo qasbaya in xariiqa la leexiyo," ayuu raaciyey.

1) Kenya waxa ay sheegtay walwal amaanka ah. Maxkamaadu waa diiday duruuftan.

2)Kalluumaysatada oo weynaya meel ay ka kalluumaystaa. Maxkamaddu dooddaanna waa diiday.

4) Waxa kale oo Keenya ku dooday xudduuda xaqiiqa ahaan u jirtay. Dooddaanna maxkamaddu waa diidday.

5) Doodda ah in aagga dhaqaalaha iyo qalfoof badeedka xariiqa loo baahan yahay in waxyar la dadbo ayaa maxkadaddu yeeshay. Xariiqdana waa la qalloociyey oo adjustment ayaa lagu sameeyey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya iyo Sweden oo gaarey is-afgarad dhanka Hantidhowrka ah

Heshiiska oo soconaya muddo 5 sano ah ayaa ujeedkiisu yahay wada shaqaynta u dhaxayneysa labada Xafiis.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:35AM

Xamsa oo maalgashiga dalka ugu baaqay Ganacsatada Soomaaliyeed ee dagan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga warbixiyey ganacsatada xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyo fursaha jira.

  • Soomaliya

    08-05-2024

  • 04:20AM