Soomaaliya oo madax u noqoneysa Wasiirada Jaamaacada Carabta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in lixda bilood ee soo aadan loo doorto in ay madax u noqoto Gollaha Wasiirada ee dalalka ku midoobay ururka Jamaacada Carabta.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa xaqiijiyay arrintaan, inkasta oo uusan ka bixin fahfaahin ku saabsan qaabka ay ku imaaneyso iyo waqtiga saxda ah.

Cawad ayaa waqti xaadirkaan ku sugan dalka Masar, isaga oo qayb ka ah wafdiga uu horkacayo Madaxwayne Farmaajo ee ka qaybgalaya shirka Jamaacada Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta ka furmaya magaaladda Sharm El-Sheekh.

"Ajendaha shirka waa labo qodob oo kala ah; muhaajiriinta iyo sidii ay isu kaashan lahaayeen labada Umadood," ayuu Cawad u sheegay laanta Af-Soomaaliga ee VOA-da.

Shirkaan oo ah midkii ugu horeeyay oo noociisa oo ay yeeshaan hogaamiyaasha wadamada ururka Jaamaacada Carabta iyo midowga Yurub ayaa ka qabsoomaya magaalada Sharm El-Sheekh ee dalka Masar.

"Soomaaliya waxaa ka quseeya shirkaan in ay kamid tahay wadamada ku midoobay Jamaacada Carabta..waxaana madax u noqon doonaa Gollaha Wasiirada [Ururukaasi] lixda bilood ee soo aadan," ayuu Wasiirka hadalkiisu daba dhigay.

Midowga Yurub ayaa la sheegay in ay hoos-udhigtay taageerada beni'aadanimo oo ay siiyaan Soomaaliya, inkasta oo wasiir Cawad uu gaashaanka u daruuray, wallow uusan meesha ka saarin in ay kala hadlayaan arrimahaasi.

"Inaga waxaanu rumeysan nahay taasi bedalkeeda oo ah in ay sare u kacday," ayuu hadalkiisa kusoo xiray wasiirka.

Soomaaliya, dalka leh xeebta ugu dheer qaarada Afrika, ayaa xubin buuxa ka noqotay Jaamaacada Carabta 14 February 1974 – 14-sano kadib goortii ay dib-u-soo ceshatay madax banaanideeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Isbahaysiga Al-Siisi iyo Afwerki [Heshiiskii Ankara oo fashilmay]

Masar ayaa ilaa haatan ciidamo tiradoodu gaareyso 10,000 u dirtay Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 11:56AM

Soomaaliya : Garaad Jaamac iyo Suldaan Siciid oo Si Kulul u Diidey Shirka Laascaanood

Garaad Jaamac Garaad Cali oo si toos ah ula hadlay shacabka ayaa sheegay in shirka….

  • Soomaliya

    12-07-2025

  • 02:00AM