Soomaaliya oo halis ugu jirta in ay waydo codka golaha guud ee UN-ka

Image

WASHINGTON, US – Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in Soomaaliya ay ku jirto dalal halis ugu jira in ay waayaan codka fadhiga guud ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa.

Soomaaliya ayaa ku biireysa todoba [7] dal oo kamid ah UN-ka oo wayn doona codka ay xaqa u leeyihiin, iyaddoo ay sanadkan dhaceyso doorasho muhiim ah.

Stephane Dujarric, afhayeenka Qaramada Midoobay, ayaa sababta ku sheegay in aysan bixin dhaqaalaha xubinimada oo sanadkiiba mar la bixiyo.

Dujarric oo wariyeyaasha la hadlay ayaa farta ku fiiqay in dalalkaan ay sidoo kale dib uga dhaceen bixinta lacagta kadib markii fursad la siiyey.

Dalalka kale ee la xaqiijiyey in ay arrintaan saameyn doonto ayaa waxaa kamid ah Venezuela iyo Lebanon.

Golaha guud ee UN-ka, oo ka shaqeeya siyaasadda, amniga iyo nabadda caalamka ayaa ka kooban 193 waddan.

Qodobka 19 ee xeerka Qaramada Midoobay ayaa xeerinaya in xubintii muddo laba sano ah bixin weyda dhaqaalaha aanay ka coddeyn doonin golaha.

Hase ahaatee, goluhu wuxuu u ogolaan karaa dalka in uu coddeeyo haddii uu la yimaado cudurdaar lagu qanci karo oo ku saabsan sababta beejisay doorkiisa bixinta qaaraanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM