Soomaaliya oo "qarka u saaran xaalad dastuur la'aan ah"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya ayaa wajihi karta xaalad dastuur la'aan ah hadii aan la qaadin talaabooyin deg deg oo badbaado ah, sidda uu sheegay madaxweynihii 8aad ee waddanka.

Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal u diray madaxda dowladda federaalka ah ee waqtiga kasii dhacayo ayaa ku baaqay in labada gole ee baarlamaanka federaalka yeeshaan kulan deg-deg ah.

"Kulankaas oo looga arrinsanayo dib-u-dhigista ansixinta kama dambeysta ah ee dastuurka ku meelgaarka ah," ayuu ku yiri qoraalkan uu arkay Garowe Online kana kooban laba bog.

Baarlamaanka 10aad ayuu soo jeediyey in waajibaadkaas culus u sii gudbiyo sharci-dejinta 11aad ee 2021 iyo afti dadweyne oo loo qaban doono marka mar-xalada amni ay saamaxdo.

Madaxweyne Farmaajo ayuu cod dheer ugu tartarsiiyey in uu qaato kaalintiisa ah "ku baaqida kulan wadajir ah oo ay yeeshaan labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya si ay u meelmariyaan sharci kamid ah sharci Lr. 20 iyo saxiixida xeerka baarlamaanka".

Isaga oo carabka u adkanaya, Xasan oo murashax u ah doorashooyinka 2020-21 ahna hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabada iyo Horumar, ayaa xusay in dastuurka laf-dhabar u yahay dowladnimada.

Qabyo-tirka dastuurka ayaa kamid ah balanqaayadda uu Farmaajo ku sameeyay ololihii 2016 balse uu maamulkiisa ku guuldareystay in uu wax muuqdo ka qabto mudadda uu talada dalka hayo.

Qoraalka Xasan Sheekh

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo isku keenay xulafadiisa Baydhabo xilli loolan adag loogu jiro hoggaanka Koonfur Galbeed

Dadaalladan isku xirka ah ayaa lagu soo beegay xilli la shaaciyay in doorasho qof iyo cod ah ay magaalada ka dhici doonto 28-ka April.

  • Soomaliya

    09-04-2026

  • 10:48AM

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM