Soomaaliya oo qayb ka ah isbaheysi looga dhawaaqay Sacuudiga

Image
Image

RIYADH, Saudi Arabia – Dowladda Soomaaliya ayaa qayb ka ah isbaheysi cusub oo maanta oo Isniin ah looga dhawaaqay Riyadh, caasimadda Sacuudiga.

Ku dhawaaqista ayaa waxay timid markii ay kulan yeesheen wasiiradda arrimaha dibadda wadamadda ku midoobay golahaan.

Golahaan oo ka kooban sideed dal oo ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadan ayaa lagu nuux-nuux saday in uusan quseyn arrimo ciidan.

"Golaha Dowladaha Carabta iyo Afrika ee ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadan" ayaa noqon doona magaca rasmiga ah ee kutladda.

Faysal bin Faarax Al Sacuudi, wasiirka arrimaha dibadda Sacuudi Carabiya, ayaa daadihinayey munaasabada lagu saxiixay Axdiga golaha.

Dowladaha Axdiga qalinka ku duugay ayaa kala ah; Saudi Arabia, Sudan, Djibouti, Somalia, Eritrea, Egypt, Yemen, iyo Jordan.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa xukuumadda Muqdisho ku metalayay shirka.

Al Sacuudi ayaa beeniyey in isbaheysigaan loo sameeyay xaaladda milatari oo waqti xaadirkaan ka jirta gobolka gaar ahaan Bariga Dhexe.

"Iima muuqato in yag-leelida awood cusub ay la xiriirto dhismaha [golaha]," ayuu yiri markii su'aal arrintaas ku aadan la hordhigay.

Gabagabadii, wasiirka ayaa cadeeyay in dalalka ay leeyihiin awooda difaaca iyo iskaashi laba geesood ah, tanina ay horumarin karto wadashaqeyntooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM