Soomaaliya oo safiirkii ugu horeeyay u magacaabatay Turkemenistaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu waramay in ay safiir cusub u magacaabatay waddanka Turkemenistaan ee dhaca bartamaha qaarada Aasiya.

Cabdullaahi Jaamac Maxamed [Ceydiid] ayaa todobaadkan laga gudoomay warqaadaha aqoonsiga danjirenimo.

Gulshat Sahyewna Mammedova, haweenayda afhayeenka baarlamaanka ka ah dalkaas, ayaa diblumaasiga ka gudoontay aqoonsiga.

Ceydiid ayaa sidoo kale ah danjiraha Soomaaliya qaabilsan Turkiga. Xukuumadda Ankara ayaa xulafo muhiim u ah dowladda Farmaajo.

Labada mas'uul oo yeeshay kulan laba geesood ah ayaa waxay kawada xaajoodeen sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, sidda ay warisay saxaafadda.

Mammedova ayaa la sheegay in ay u balanqaadey safiirka in ay si dhow ugala shaqeyn doonan sidii sarre loogu qaadi lahaa cilaaqaadka.

Ceydiid ayaa dhankiisa ka mahadceliyey soo dhaweynta iyo sidda wanaagsan ee looga guddoomay warqaadaha aqoonsiga.

Sikastaba, talaabadan oo ka dhigan bilowga xiriirka diblumaasiyadeed oo labada dhinac ayaa Caydiid ka dhigeysa safiirkii ugu horeeyay oo Soomaaliya ay waddankaas u magacaabato.

GAROWE ONLINE

Related Articles

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM

Maxay Xasan Sheekh iyo Abiy Ahmed uga wada-hadleen Kulankoodii Addis Ababa?

Markii uu Madaxweynaha Soomaaliya ka soo dagay Garoonka Caalamiga ah ee Bole, waxaa soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 09:02AM