Soomaaliya oo shaacisay hal shuruud ay Itoobiya ku siin karto deked

Image
Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Cali Cumar Balcad ayaa daaha ka qaadey qodobkan xasaasiga ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Soomaaliya marna aqbali mayso qorshaha Itoobiya ay ku doonayso inay saldhig ciidan uga samaysato gobolka goonida u goosadka ah ee Somaliland, sidda uu sheegay mas'uul ka tirsan Dowladda Federaalka.

Balse, xukuumadda federaalka ee fadhigeedu yahay magaaladda caasimada ah ee Muqdisho waxay ka fiirsan doontaa inay Itoobiya siiso deked ganacsi "haddii si laba geesood ah looga hadlo".

Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Soomaaliya, Cali Cumar Balcad, ayaa sheegay in ka hor inta aan laga hadlin marinka dekedda ee labada dhinac, ay tahay in Itoobiya ay baabi’iso heshiiskii ay la gashay Somaliland.

"Soomaaliya weligeed ma aqbali doonto saldhig ciidan," ayuu yiri Wasiir Cali. "Soomaaliya waxay diyaar u tahay galaangal ganacsi si waafaqsan sharciga caalamiga ah ee badda."

Waxa uu intaa ku daray in Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay ka wadahadlaan soo jeedinta inta ay ka soo baxayaan danaha dalka, kuwaas oo ah “in la ilaaliyo madax-banaanida (siyaasadda) madaxbannaanida iyo midnimada.”

Hadalkan ayuu wasiir Cali ku sheegay wareysi uu siiyay Wakaaladda Wararka REUTERS. Dhanka kale, Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa diiday inuu faallo bixiyo.

Tan iyo bilowgii sanadkan 2024-ka, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa xiriirkooda uu si weyn hoos ugu dhacay kadib markii 1-dii Janaayo ay Addis Ababa heshiis la gashay maamulka Somaliland kaas oo la isku-dhaafsanayo aqoonsi iyo saldhig ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM