Soomaaliya oo shaacisay shuruudaha ay wadahadal kula galayso kooxda AS

Image
Tani ayaa imaaneysa xili si weyn loo hadal-hayo inuu wadaxaajood dhexmari karo labada dhinac.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Qadar ayaa martigelin doonta "wada-hadallada nabadeed" ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Dagaalyahannada Al-Shabaab, sidda ay wararka sheegayaan.

Wallow warkan si madax-banaan loo xaqiijin karin, haddana waxaa la sheegay inuu ka ka dhacayo Dooxa inta u dhaxeysa Luulyo 22-keeda illaa 24-keeda.

Shirka ayaa yeelan doona saddex weji oo kala duwan - wada-hadallo furan, wada-xaajood albaabadu u xiran yihiin iyo ansixinta go'aanka kama dambaysta ah.

Norway, Mareykanka, iyo Qatar ayaa waxa ay noqon doonaa dhexdhexaadiyeyaasha caalmiga ah ee kulanka.

Dhanka kale, lataliyaha amniga Qaranka Xuseen Sheekh Cali ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkan oo si weyn baraha bulshada ugu faafay saacadihii lasoo dhaafay.

"DFS ayaan wax wada hadal ah kulama jirto Al-shabaab (Al-Khawaarij). Madaxweynaha ayaa shuruudo cad ku xiray dhacdadan," ayuu ku qoray baraha bulshada.

Wuxuu raaciyay hadalkiisa: "Waa inay gooyaan xiriir kasta oo ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah, ayna aqbalaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waa inay diyaar u yihiin inay barnaamijkooda siyaasadeed si nabad ah u wataan," ayuu raaciyay.

Si kastaba ha ahaatee, Doha waxay horay u heshiisiisay Mareykanka iyo Taliban sanadkii 2020 taas oo aakhrikii keentay in Taalibaan ay la wareegto Afghanistan taasoo keentay in kooxda hubeysan ay aakhirkii la wareegaan xukunka waddankaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM