Soomaaliya oo Shiinaha u cusbooneysiisay heshiis buuq hareeyay

Image
Heshiiskan ayaa waxa uu xeerinayaa in doonyaha kalluumeysiga shiinaha ay badda Soomaaliya ka jilaaban karaan malaayga tuunaha xisaab la’aan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa cusbooneysiisay heshiis buuq uu hareeyay oo ay la gashay shir kalluumeysi taasoo laga leeyahay dalweynaha Shiinaha.

Heshiiskan ayaa waxa uu xeerinayaa in doonyaha kalluumeysiga shiinaha ay badda Soomaaliya ka jilaaban karaan malaayga tuunaha xisaab la’aan.

Talaabadan ayaa ka dambeysay markii Wasiirka Kheyraadka Badda, Axmed Xasan Aadan, uu la kulmay safiirka China u fadhiya Muqdisho, Fei Shengcha.

Wasiir Aadan ayaa ujeedada soo celinta heshiiska waxa uu ku sheegay “faa’iido wadaag” wallow uusan bixin sharaxaad dheeraad ah.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka wasaaraddiisa ayaa lagu caddeeyay in China ay ogolaatay in ay ka caawiso Soomaaliya horumarka waaxda kalluumeysiga dalka.

Dooda ugu weyn ee ka taagan heshiiskan ayaa ah in Soomaaliya aysan xakameyn karin tiradda kalluunka tuunaha ee Shiinaha qaadanayo iyo in ay ka dhalan karto xaalufinta kheyraadkan.

Kalluunka tuunaha ayaa ah nooc aduunka dhif iyo naadir ka ah, waxaana la helaa xiliyo gaar ah taas oo ka dhigan in uu biyaha Soomaaliya yimaado xilliyo gaar ah ayna ka faa’iideysan karin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muxuu La Kulmay Ninkii Kaliya ee Ka Badbaaday Shilkii Diyaaradda ee Ay Ku Dhinteen 242 Qof?

Diyaaradda oo ahayd duulimaadkii AI171 kuna sii jeeday Garoonka Gatwick, ayaa waday….

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 09:16PM

Dowladda Soomaaliya oo Ka Laabatay xayiraadda Baasaboorka Taiwan Iyadoo uu Cadaadis Saaray Mareykanka

Taiwan iyo Somaliland labaduba waxay sheegtaan inay yihiin dalal madax bannaan — mid ka go’ay Shiinaha iyo mid ka go’ay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-06-2025

  • 01:30PM