Soomaaliya oo si kulul uga jawaabtay hadal kasoo yeeray Abiy Axmed

Image
Muqdisho iyo Addis Ababa ayaa dhowrkii maalmood lasoo dhaafay hawada isku mariyay hadalo xanaf leh.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga jawaabay hadalkii ka soo yeeray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Xasan Sheekh oo ka hadlayay furitaanka kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka ayaa sheegay in Itoobiya ayada tahay cidda caalamka wareegeysa ee leh Soomaaliya hanala heshiisiiyo.

“Dowladda Itoobiya ayadaa caalamka wareegeysa ayadoo ka carareysa qaladkii ay gashay ee diblomaasiyadeed iyo midkii xeerarka caalamiga ahaa, ee dunidda ilbaxa ah ay ku dhaqanto, shalay ayada jabisay deris wanaaggii iyo ku dhaqanka qaanuunka caalamiga ah, maanta ayada wali diiddan inaan u noqono waddadaas saxda ah," ayuu yiri.

Waxa uu intaas kusii daray hadalkiisa: "Itoobiya iyada wareegeysa oo leh hanala heshiisiiyo Soomaaliya, xaalka Itoobiya maanta waa hasha ayada cuneysa oo cabaadeysa”.

Dhanka kale, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa sheegay in dalkiisu "uusan wax dagaal ah" kula jirin dowladda Soomaaliya.

Wuxuu u sheegay sharci-yaqaannada Itoobiya Khamiistii in Itoobiya "ay wax kasta u hurtay nabadda Soomaaliya, xisbiga talada hayana uu muujinayo ixtiraamka uu u hayo Soomaaliya iyo dadkeeda."

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay “xoogsiisay” Soomaaliya, isla markaana dowladda Itoobiya “ay wax su’aal ah ka qabin midnimada Soomaaliya,” sida uu sheegay Addis Standard.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM