Soomaaliya oo taageero dheeri ah u heshay dagaalka Al-Shabaab

Image
Hase ahaatee, lama saadaalin karo qaabka ay uga faa'iideysan doonto cudadan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shir afar-geesood ah oo ay wada qaateen madaxda William Ruto, (Kenya) Ismaaciil Cumar Geelle (Jabuuti) iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed (Itoobiya).

Shirkan ayaa, sidda ku xusan war-murtiyeedka kasoo baxay, waxaa lagaga arrinsanayey sidii loo mideyn lahaa hawgallada lagu ciribtirayo argagixisada.

Hogaamiyeyaasha ayaa falaanqeeyey hannaanka fulinta qorshaha Muqdisho ee ka soo baxay shirkii maalmihii la soo dhaafay ay yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga dalalka, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

Madaxda ayaa, sidda ku cad bayaanka, waxay wadajir u bogaadiyeen "guulaha Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howlgalladii lagu xoreeyey deeganno badan oo ka tirsan dalka".

Muhiimadda ay leedahay in la sameeyo hawlgallo ay si wada jir ah u fulinayaan Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya iyo Ciidamada Dawladdaha Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, kuwaas oo lagu ciribtirayo Al-Shabaab ayay hoosta ka xariiqeen.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad-celiyey Madaxda sida ay u ajiibeen marti-qaadka uu u fidiyey, isagoo oo tilmaamay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay ka go’an tahay adkeynta xasilloonida gobolka iyo dabar-goynta argagixisada.

Dhawaqa kulankan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay taageero dheeraad ah u heshay dagaalka ka dhanka ah xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida hase ahaatee lama saadaalin karo qaabka ay uga faa'iideysan doonto cudadan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM