Soomaaliya oo taageero dheeri dhanka amniga waydiisatay Turkiga

Image
Wasiirka Amniga Soomaaliya ayaa Muqdisho kula kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş.

Labada dhinac ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dal, gaar ahaan taageerada ay siiyaan hey’adaha amniga dalka.

Wasiirka oo uga mahadceliyey taageerada walaaltinimo ee ay siiyaan Soomaaliya, ayaa xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo, iyada oo mudnaanta la siinayo tayeynta iyo tababarrada ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay u xaqiijiyaan amniga iyo xasillinta dalka.

Dhankiisa, Danjire Aktaş oo ugu hambalyeeyey Wasiirka Amniga masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada amniga oo mudnaan gaar ah u leh dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM