Soomaaliya oo taageero horleh u heshay qaadida xayiraada hubka

Image
Hogaamiyeyaasha gobolka ayaa sheegay in dalka uu "horumar ka sameysay" maareynta rasaasta.

NAIROBI, Kenya - Madaxda Soomaaliya, Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya ayaa Arbacadii go'aan ku gaaray in ay si wadajir ah u qorsheeyaan istaraatiijiyad hawlgal ka dhan ah Al-Shabaab iyo in ay abaabulaan taageerada gobolka si loo helo waqti ku habboon oo lagu qaadi karo howlgallada looga soo horjeedo maleyshiyada.

Madaxweynayaasha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, William Ruto (Kenya), Ismaaciil Cumar Geelle (Jabuuti) iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali ayaa sheegay in ciidamada ammaanka oo si wanaagsan loo qalabeeyay ay guulo la taaban karo ka gaari karaan xoogaga xiriirka la leh shabakadda Al-Qaacida.

War murtiyeed ay ka soo saareen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya kaidb shir madaxeed maalin socday ayaa madaxdu waxa ay ku xuseen in ay go’aansadeen in la sameeyo hannaan hawl-gal oo wadajir ah oo isku-xira awoodaha iyo howlgallada "si looga hortago loogana guuleysto cadowga".

Beesha caalamka ayay ka codsadeen in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ay saartay "taasi oo u ogolaaneysa dowladda federaalka in ay si wanaagsan u qalabeyso ciidankeeda la dagaalanka argagixisada".

Soomaaliya ayay tibaaxeen in ay muujisay awood ay ku maareyn karto hubka ku soo badanaya xudduudaheeda, waxayna bogaadiyeen horumarka laga gaaray horumarinta awoodaha maamulka hubka iyo rasaasta, waxaana ay taageereen dadaallada Soomaaliya ee ah in gebi ahaanba laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dhammaadka 2023-ka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii Janaayo 1992-kii ku soo rogay Soomaaliya cunaqabatayn aan dhammaad lahayn ka hor inta aan qayb ahaan wax laga beddelin Febraayo 2007 si loogu oggolaado sahayda hubka ee ciidammada dawladda Soomaaliya. Hubka ayaa muhiim u ah ciribtitka kooxda Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM