Soomaaliya oo taageero u muujisay China oo uu cadaadis ku hayo Trump

Image

BEIJING, China – Dowladda Soomaaliya ayaa garab istaag balaaran waxay u muujisay wadanka Shiinaha oo wajahaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya Mareykanka kuna saabsan ka hortaga safmareenka fayruska Corona.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah, ayaa sheegay in ay aqoonsan yihiin hanaanka tijaabada caabuqa oo uu hindisay China, kana mid ah arrimaha xiisada dhalisay.

"Soomaaliya waxay si buuxda u fahansan tahay cadaadiska ka dhanka ah [Covid-19] ee Shiinuhu wajahayo, waxayna fahansan tahay tijaabooyinka adag oo ay qaadeen Waaxyaha China si loo ilaaliyo badqabka iyo caafimaadka guud ahaan Umadda," ayuu u sheegay CGTN.

Mr Cawad ayaa soo jeediyey in kala aragti duwanaanta soo ifbaxday una dhaxeysa Washington iyo Beijing lagu dhameeyo wadahadal.

"Is-fahan-waaga waxaa si sax ah loogu xalin karaa wadatashiyo saaxiibtinimo, oo aan saameyn ku reebaynin iskaashiga China iyo Afrika ee ka dhanka ah [Coronavirus] ama dhaawac u geysaneyn xiriirka iskaashiga ee mudada fog soo jiray ee China iyo Afrika. Ha xoogeysto," ayuu xusay.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo sheegay in Shiinuhu abuurey cudurka, ayaa xusay in uu dhaqaale ka sameynayo. Trump wuxuu sidoo kale su'aal geliyey kiisas cusub oo China soo bandhigay dhowaan.

Hay'adda Caafimaadka Aduunka ayuu dhaqaalihii Mareykanka ka joojiyey markii uu ku dhaleeceeyay in ay "u eexatay China". Dhanka kale, xukuumada Beijing way iska fogeysay dhamaan eedeymahaas xasaasiga ah.

Carada Mareykanka ayaa dibada u soo baxday markii WHO ay diidey in ay aqoonsato hanaan loo baaro Coronavirus oo maamulku Trump soo bandhigay isla markaana ay qaadatay qaab kale oo Dowladda Shiinaha ay sameysay.

Habraaca Mareykanka ayaa la sheegay in uu ku fashilmay tijaabooyinkii ugu horeeyay, halka midka Shiinaha uu illaa iyo haatan uu shaqeynayo. Labada dal waxay sidoo kale ku tartamayaan in ay soo saaraan daawada xanuunkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM