Soomaaliya oo taageertay baaq kasoo yeeray xulafada Sacuudiga ee Yemen

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa taageertay baaq kasoo yeeray Isbaheysiga Carbeed ee Sacuudi Carabiya hogaamiyo ee barataara xukuumadda dunida aqoonsan tahay ee Yemen.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu soo dhaweeyay nuxurka baaqa oo ah xabad-joojin ka dhaqan-gasha guud ahaan waddankaas ay colaaduhu la dageen.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale ugu baaqay dhinacyadda Yemen in ay miiska wadahadalka ku dhameeyeen khilaafkooda.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhoweynaysaa baaqa ka soo yeeray wadamada isbaheysiga carbeed ee taageera Xukuumadda sharciga ah ee Yemen ee ku dhawaaqay xabad-joojin ka dhaqan-gasha dalka Yemen muddo labo todobaad oo ka bilaabmaysay 9 April, waxa ayna ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada Yemen in ay xoojiyaan wadahadalka si loo abuuro deganaansho, lana xaliyo arrimaha khilaafka keenay si soo afjari karta loolanka siyaasadeed iyo midka nabadgelyo," ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhanka kale, xukuumadda Muqdisho ayaa bogaadisay dedaalada Qaramadda Midoobay ee xalka loogu raadinayo colaada Yemen.

"Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay carabaabaysaa taageerradeeda dhammaystiran ee dadaalka Qaramada Midoobey iyo hindisayaasha uu Golaha Ammaanka ka horjeediyay Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Mudane António Guterres, waxa ayna xaqiijinaysaa garab istaaggeeda howsha Ergeyga Qaramada Midoobey ee Yemen si loo gaaro xal siyaasadeed oo loo dhanyahay oo ka guul keena nabadda iyo xasiloonida Jamhuuriyadda aanu walaalaha nahay ee Yemen," ayaa lagu soo gabagabeeyay bayaanka oo ku qornaa luuqadda Carabiga.

Yemen oo tobanaan sano ay colaado ka jiraan waxaa ku nool dad ay qeyb yihiin Soomaali, kuwaas oo isugu jira qaar halkaas ay dagaaladu ku qabsadeen iyo kuwa kale oo damacsan in ay uga sii gudbaan wadamada kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DFS oo diiday in Itoobiya ka-qaybgalka dhoollatus lagu qabanayo biyaha Soomaaliya

Murankan cusub wuxuu imanayaa iyadoo ay wali taagan tahay xiisaddii diblomaasiyadeed ee ka dhalatay heshiiskii la saxiixay 1-dii Janaayo 2024.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 01:06PM

Dowladda Soomaaliya oo Soo Dhaweysay Heshiiska Xabbad-joojinta ee DRC iyo M23

Soomaaliya waxay mar kale muujisay midnimadeeda iyo garab istaaggeeda shacabka DRC iyo guud ahaan gobolka.

  • Soomaliya

    20-07-2025

  • 11:03AM