Soomaaliya oo talaabo u qaadey baajinta heshiiska AS iyo Xuutiyiinta

Image
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu waramay inuu Baqdaad kula kulmi doono saraakiil Iiraani ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo shalay u safray magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq si uu ula kulmo saraakiil sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka Iran (IRGC), sidda ay xaqiijiyeen Illo Wareedyo la hadlay Garowe Online.

Socdaalkan ayaa qeyb ka ah isku dayga ay Dowladda Soomaaliya ku dooneyso in ay heshiis kula gasho kooxda Xuutiyiinta Yemen ka dib markii dhawaan ay soo baxeen warar sheegaya heshiis dhexmaray Xuutiyiinta iyo Al-Shabaab.

Saraakiisha IRGC wataa hormuud u ah  Xuutiyiinta waxayna fududayn karaan heshiiskan.

Ilo wareedyo ayaa intaas ku daray in xukuumadda Muqdisho ay ka walaacsan tahay suurtagalnimada heshiiska Xuuthiyiinta iyo Al-Shabaab.

Si loo baajiyo halistaas, Xamse ayaa lagu soo waramayaa in uu xooga saarayo sidii uu heshiis ula gaari lahaa Xuutiyiinta isagoo u maraya IRGC.

Bishii hore, la taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya ayaa booqday Baqdaad, wuxuuna la kulmay la taliyaha amniga qaranka Ciraaq Qaasim Al-Araji, oo ah siyaasi sare oo Shiicada Ciraaq xiriir la leh Iran.

GAROWE ONINE

Related Articles

Burburka Shirkii Xalane iyo Khilaafka Doorashada oo Soomaaliya Geliyey Marxalad Siyaasadeed oo Cusub

Wadahadallada ayaa u dhexeeyey madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay…

  • Soomaliya

    15-05-2026

  • 07:53PM

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM