Soomaaliya oo u sharaxan xubinimada golaha amniga UN-ka

Image
Sidoo kale, waxay dooneysaa in ay xubin ka noqoto golaha ammaanka Midowga Afrika.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha waqtigu ka dhacay Farmaajo oo jeediyey khudbad ku aaddan xaaladda guud ee dalka iyo doorashooyinka, ayaa Madaxda Dowlad-goboleedyada dalka ku adkeeyey hirgelinta jadwalka doorasho ee ay isla qaateen.

Farmaajo oo ka war-bixiyey guulaha la taaban karo ee laga xaqiijiyey dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee ay u difaacayaan Dalka iyo halgankooda ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga iyo burburinta hantida shacabka Soomaaliyeed.

"Dadaalladeenna iyo qorsheyaasha hirgalay ee dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida waxay horseedeen in maanta Ciidankeenna geesiyaasha ah ay awood u leeyihiin hanashada amniga guud ee Dalka, uuna gabo-gabo marayo qorshihii ay kagala wareegi lahaayeen Ciidamada AMISOM amniga guud ee Dalka," ayuu yiri.

Hannaanka siyaasadda Arrimaha Dibadda dalka  oo ku dhisan wax wada-qabsi iyo is-ixtiraamka dalalka Caalamka, ilaalinta sharafka iyo Madaxbannaanida Dalkeenna, taas oo horseedday in aan si mug leh uga dhex muuqanno fagaareyaasha Caalamka ayuu ka warbixiyey.

"Siyaasaddeenna Arrimaha Dibadda ee ku dhisan gobannimada waxa ay horseedday in aan si mug leh uga dhex-muuqanno fagaareyaasha Caalamka, sida xubinnimada Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay oo aan ku guuleysannay markii labaad, in aan Madaxweyne Ku-Xigeen ka noqonnay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey, haatanna u sharraxannahay Goleyaasha Amaanka ee Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.”

Ugu dambeyntii, Farmaajo ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed midnimada iyo wadajirku oo fure u ah jiritaanka iyo awooddeenna qarannimo, waxa uuna xusay doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan midnimada, dowladnimada iyo difaaca dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM