Soomaaliya oo uga tacsiyeysay Imaaraadka saraakiishii ku dhintay weerarkii Muqdisho

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadcelisay Imaaraadka dadaalka ay ugu jirto xasilinta dalka.

Muqdisho, Soomaaliya - Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa dowladda iyo shacabka Imaaraadka Carabta uga tacsiyeysay weerarkii xalay ka dhacay Xero Gordon ee magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dilay 3-sarkaal oo u dhashay dalkaas.

War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa lagu yiri: “Dowladda Soomaaliya waxay si cad u cambaareyneysaa galkii argagaxiso ee foosha xumaa ee lagu dilay saraakiishan Imaaraatka ah”

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay: “Waxaan ixtiraamaynaa geesinimada iyo naf-hurnimada saraakiisha Imaaraatka ee naftooda ku waayay weerarkan, waxa ay tusaale u tahay sida ay uga go’an tahay horumarinta xasiloonida iyo amniga dalkeena.”

Warsaxaafadeedka ayaa lagu yiri: “Waxaanu tacsi u diraynaa qoysaskii ay ka baxeen saraakiishii geesiyaasha ahaa iyo dhammaan shacabka Imaaraadka Carabta. “

Shalay ayay ahayd markii askari ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, uu weerar ka fuliyay Xerada General Gordon ee Magaalada Muqdisho, waxaana lala beegsaday weerar-kaas Saraakiisha Imaaraadka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM