Soomaaliya oo wafdi u dirtay wadahadalada Itoobiya ee Turkiga

Image
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Axmed Macallin Fiqi ayaa hogaaminaya wafdigan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta u ambabaxay caasimadda dalka Turkiga ee Ankara.

Wafdigaan ayaa casuumad rasmi ah ka helay Dowladda Turkiga, iyagoo matalaya Dowladda Soomaaliya, waxayna ka qayb gali-doonaan wareegga labaad ee wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya, kaas oo ay garwadeen ka tahay Dowladda Turkiga sida ay sheegtay Wasaarada arrimaha dibada Soomaaliya.

Wadahadalkan ayaa lagu wadaa inuu magaalada Ankara ka furmo maalinta Isniinta ah ee 12 August, 2024.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM