Soomaaliya oo wali liijaanka u haysa musuqmaasuqa caalamka

Image
Suudaanta Koonfureed iyo Suuriya oo haysta min 13 dhibcood ayaa ka sareeya waddankan dhaca Geeska Afrika.

LONDON, UK - Warbixin caalami ah oo ay soo saartay hay’adda la dagaalanka musuqa ee Transparency International ayaa lagu sheegay in musuqmaasuqa sii kordhaya ee adduunka uu aad sare ugu qaaday xasaradaha ka dhacaya daafadaha adduunka.

"Musuqa waxa uu dunideenan ka dhigay mid aad u halis badan, dowladaha waxa ay si joogto ah ugu guuldaraysteen in ay wax horumar ah ka sameeyaan arrinka," ayay tiri Delia Ferreira Rubio oo ah guddoomiyaha Transparency International.

Rubio oo hadalkeeda sii wadata ayaa waxay intaas kusii dartey: "Waxaana ay tani sare u qaadday rabshadaha iyo iska hor imaadyada, taasi oo halis galisay dadka oo dhan".

Gudoomiyaha ayaa waxa ay intaasi ku dartay in ay tahay in dowladaha ay u adeegaan dadweynaha ee aysan noqon kuwa kaliya u adeega dad yar oo gaar ah.

Hay’adda ayaa sanad kasta soo saarta diiwaanka dalalka iyo kaalmaha ay ka galeen heerka musuqa, iyada oo sanadkani dalka Denmark uu galay kaalinta koowaad, isaga oo haysta 90 dhibcoon (100 dhibcood ayaa ugu sareysa).

Sidda laga soo xigtey warbixinta oo la daabacay Arbacadii shalay, Finland iyo New Zealand ayaa soo raaca Denmark, iyada oo dalal kale oo ay Britain ka mid tahay ay hoos u dhaceen.

Yeman oo haysta 16 dhibcood ayaa dadka cabasho ay ka qabaan musuqa waxaa ka dhashay mudaaharaadyo, taasina waxa ay horseeday in dowladdii oo dhan ay dunto, wax ka badan kala barna ay dadka cunto la’aan noqdaan.

Soomaaliya ayaa kaalinta ugu dambeysa kaga jirta dalalka oo 180 dal ah oo qiimeynta lagu sameeyay, waxayna dalkan dhaca Geeska qaaradda Afrika uu haystaa 12 dhibcoon oo kaliya, waxaana soo raaca Suudaanta Koonfureed iyo Suuriya oo haysta 13 dhibcood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM