Soomaaliya oo wali safka hore kaga jirta dalalka Suxufiyiinta lagu dilo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Suxufiyiinta ka howlgala Soomaaliya ayaa wali wajahaya khatar dhanka noloshooda ah, inkastoo uu jiro horumar aan badnayn oo laga sameeyay dhanka difaacida xuquuqul insaanka, sida ay QM sheegtay.

Warbixin cusub oo uu soo saarey xafiiska howlgalka kaalmeynta Qaramada Midoobey ee Soomaaliya [UNSOM] fiidnimadii khamiista ahayd ayaa lagu sheegay in wali wariye-yaasha ay bartilmaameed yihiin.

Sida ku xisan warbixinta, dhibaatooyin waaweyn oo ay kamid yihiin dilalka, xarig sharci darro ah iyo handadaad joogto ah ayaa lagu hayaa dadka ka shaqeeya warbaahinta gudaha dalkan Geeska Africa ku yaalla.

"Inkastoo la sameeyay dedaallo iyo horumar dhanka sharci dejinta, waxaa wax laga xumaado ah in ku xad-gudubka xuduuqda hadalka uu wali ka jira Soomaaliya," ayuu yiri Wakiilka QM, Michael Keating.

Sideed wariye iyo howlwadeenno warbaahineed oo kale ayaa la dilay, 32 kalena waxaa la gaarsiiyay dhaawacyo intii u dhaxeysay August 2016 illaa July 31, isla sanadkaasi.

Waxaa sidoo kale 2016 la xiray 94 suxufi iyagoo xabsiga loo dhigay sababo eedeymo la xiriira inay ku dhaqmeen xuquuqda dhanka xorriyadda hadalka oo howsha warbaahinta gudanaya.

"Laakiin waxaa wax lagu farxo ah in 27% uu hoos uga dhacay dilalka 2016 marka loo eego sanadkii 2014 iyo kuwii ka horeeyay," sidaasi waxaa lagu sheegay Warbixinta.

Warbixinta UNSOM ayaa ugu baaqday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamullada xubnaha ka ah inay sameeyaan sharci lagu difaacayo suxufiyiinta, sidoo kalena lagu ciqaabayo kuwa dhibaateeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo si Adag u Diidday Wax ka Bedelka Dastuurka Federaalka Soomaaliya

Puntland waxay caddeysay inay aqoonsan tahay oo keliya Dastuurka KMG ah ee lagu heshiiyey sannadkii 2012.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 09:05PM

Xildhibaannada Baarlamaanka oo Laga Mamnuucay inay ka baxaan Muqdisho

Koox xildhibaanno federaal ah oo u safrayay Garoowe ayaa shalay lagu qasbay inay dib ugu soo laabtaan Muqdish.

  • Soomaliya

    02-03-2026

  • 08:32AM