Soomaaliya oo xaqiijisay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa Coronavirus

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah waxay ku dhawaaqdey in dalka laga helay kiiskii ugu horeeyay ee caabuqa dilaaga ah ee Coronavirus.

Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka caafimaadka oo kasoo muuqatay warbaahinta dowladda, ayaa shaacisay xanuunka laga helay mid kamid ah muwaadiniintii ka timid waddanka Shiinaha.

Ma aysan soo bandhigin magaca ruuxaas. Balse waxay tilmaamtay in ay ogaadeen kadib baaritaano iyo hubin ay maalmihii lasoo dhaafey ay ku waddeen afar shaqsi oo looga shakiyey cudurka.

Afarta ruux ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laga qabtay intii u dhaxeysa 10-kii illaa iyo 11-kii bishaan Maaj ee sanadkan 2020, sidda ay wasaaraddu ku sheegtay war-saxaafadeed.

Dhanka kale, wasiirka duulista hawada Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa ku dhawaaqay in la joojiyey dhamaan duulimaadyadda caalamiga ah si looga fogaado faafitaanka cudurka.

Oomaar ayaa sheegay in ay diyaaradaha caalamka ku wargeliyeen arrintaan, isagoo kalsooni weyn ka muujiyey in diyaaraduhu u hogaan-sami doonan amarka adag oo ay soo saareen.

Wadamada Kenya iyo Itoobiya ayaa mar sii horeysay xaqiijiyey xanuunka Coronavirus, waxaana ay in Soomaaliya ay xaqiijiso ay ka dhigan tahay in Geeska Afrika uu si rasmi ah ugu sii baahayo xanuunka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM