Soomaaliya oo xayiraadda ka qaadey Jaadka Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kow iyo tobban bilood kadib waxay xayiraadii ka qaadey qaadka Mira ee waddanka Kenya, sidda uu shaaciyey Wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

"Waxaan doonayaa in aan caddeeyo in qaadka runtii aanu cidna u xirneyn, nuxurka aan saxaafadda ugu yeeray intaa weye," ayuu Bayle ka yiri shir jaraa'id oo Isniintii uu ku qabtay xafiiskiisa magaaladda caasimada ah ee Muqdisho.

Bayle oo ku booriyey ganacsatadda in ay ruqsad u qaataan baayac-mushtarkooda ayaa uga digay in ay isku dayaan in qaab dhuumaaleysi kusoo geliyaan.

"Waxaan u sheegayaa qofka Soomaaliyeed ee doonaya in uu qaadka uga ganacsado sidda ganacsiyadda kale in aad soo ruqsad uga soo qaadato Wasaaradda Ganacsiga ee ku shaqadda leh ayagaa ayaa nidaamka kuu akhrin doono," ayuu ku daray. "Arrinta kale ee mas'uulka ka tahay waxa weye in aadan soo qarin oo Jaad baan sitaa tiraahdo, canshuurtana aan iska bixiso".

Wasiirka ayaa kula taliyey ganacsatada qaadka in ay midoobaan isla markaana ay qiimo wanaagsan kaga soo iibsadaan qaadka wadamada ay kasoo qaadan.

Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysay go'aanka dowladda ku qaadey xayiraadda maandooriyahan. Balse, waxay imaaneysaa xilli xiisadda labada dal ee arrimaha keenay Jaadka ku jiro ay sii xoogeysaneyso.

Bishii March 16-keeda sanadkii 2020 ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay shaacisay in ay dalka ka mamnuucdey Jaadka sababo ku aadan Covid-19.

Markii ay qaadey xayiraadihii ay Jaadka lasoo rogtay sidda duulimaadyadda caalamiga ah, dowladda Farmaajo ayaa bilowdey in ay dagaal siyaasadeed ku gasho xayiraada Jaadka si ay Kenya uga hesho danaheeda gaarka ah.

Talaabadaas ayaa dhabaha u xaartey xiisad diblumaasiyadeed iyo cabashooyin ka yimid ganacsatada Jaadka kuwaas oo ku qaylo-dhaamiyey in lasoo gabagabeeyo mamnuucida maadaama uu furnaa Jaadka Hareeriga ee waddanka Kenya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM