Soomaaliya oo xubin ka noqoneysa wadamadda leh dekadaha

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ku biireysa liiska dalalka leh dekadaha. Tani waxaa lagu waramay in ay ka dambeysay ka gedaal markii la dhameystiray Xeerka Gaadiidka Badda.

Dhameystirka xeerkaas, oo dalka u sahlaya in uu qaato mas'uuliyada saaran, waxaa todobaadkan ku dhawaaqay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Ururka Badaha Caalamiga ah.

Xili diyaarintiisa ay qaadatay lix-sano, haatan waxaa loo gudbin doonaa baarlamaanka si loo qarameeyo isla markaana uu u xaqiijiyo shuruucda laga maarmaanka ah iyo geedi u socodka maamulka.

Talaabadan ayaa waxaa la aaminsan yahay in ay sarre u qaadeyso dhaqaalaha waddanka kasoo gala dhanka Aaga Baluuga ah.

Xeerka Gaadiidka Badda ayaa qeexaya waajibaadka ay ururka IMO ka dooneyso qaranka si gaar ah calan ahaan, dekad ahaan iyo xeeb ahaa.

2014-kii ayay bilaabatay horumarinta Xeerka markii ay Soomaaliya waydiisatay IMO in laga caawiyo soo celinta Sharciga Badaha Soomaaliya ee soo baxay sanadka markii uu ahaa 1959-kii.

Xeerka cusub ee Gaadiidka Badda ayaa lagu qeexay "kii ugu casrisanaa ee shuruucdaha badaha caalamka". Geedi u socodka horumarinta wuxuu aas-aasayaa Maamulka Badaha Soomaaliyeed.

Ururka Badaha Caalamka iyo Qaramada Midoobay ayaa kaliya Soomaaliya kala shaqeeyay arrimaha sharciga iyo tababarada.

Bilowgii bishaan ayay ahayd markii Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Maryan Aweys Jaamac, ay guddoontey Xeerka oo dhameystiran isla markaana ku qoran luuqadda English-ka.

Dave Muli, isu-duwe-goboleedka IMO ee Bariga iyo Koonfurta Afrika ayay kala wareegtay Xeerkaas. Mr Muli wuxuu bogaadiyey sidda ay Soomaaliya uga go'an tahay xaqiijinta ammaanka xeebaha ku teedsan.

Soomaaliya oo leh xeebta ugu dheer ee qaarada Afrika kuna taala aag-muhiim u ah dunida ayaa leh dekado badan oo ganacsi kuwaasoo kala ah; Boosaaso, Muqdisho, Baraawe, Marka, Kismaayo kuwa kale oo yar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM