Soomaaliya oo yeelanaysa ciidamo la dagaalama Musuq-maasuqa

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed, ayaa sheegay inay wadaan qorshe ay ku her-gelinayaan ciidamada la dagaalanka Musuq-maasuqa, oo uusan dalka lahayn tan iyo burburkii 1991-dii.

Jeneraal Bashiir ayaa xusay in ciidamadaan ay howshooda noqoan doonto inay dabagal iyo baaris qarsoodi ku sameeyaan Xafiisyadda Hay'addaha kala duwan ee dowladda si looga hortago Musuq-maasuqa baahsan ee xilligan dalka ka jira.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay ciidamada Booliska in aysan dhibaatayn Shacabka, islamarkaana ay u dhimriyaan, maadaama ay iyagu yihiin kuwa u adeega rayidka, loona xilsaarey inay sugaan amniga.

Hay'addaa dowladda Federaalka ayaa lagu eedeeyaa inay daah-shadeen Musuq-maasuq, taasoo sababta in sanad walba ay safka hore ka gasho Soomaaliya liiska dalalka ugu musuqa badan caalamka.

Go'aanlan uu ka dhawaajiyay Taliyaha Booliska ayaa loo arkaa mid wax ka bedali karta dhibaatooyinka Musuqa la xiriira, hadii si fiican loo dhaqan-geliyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM