Soomaaliya oo yeelanaysa sharciga Amniga Saybarka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka (Cyper Security) iyo Xeer Nidaamiyaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka.

Shuruucdan ayaa lagu ansixiyay shirka todobaadlaha ee Golaha oo uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre.

Dhanka kale, Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa ugu mahadcelisay golaha tallaabadan.

Waraaqad ka soo baxday hay’adda ayaa lagu yiri:

“ Xeer Nidaamkaan wuxuu ka jawaabaya baahiyo taagan oo la xiriira dhaqangelinta qodobada sharciga NISA, wuxuuna xeerinaya arrimo lama huraan u ah shaqda Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka”

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM