Soomaaliya oo yeelatay xaruntii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaradaha

Image
Waa adeegan hirgeliyay shirkad ay aasaaseen ganacsato Soomaaliyeed laguna magacaabo Aerosom.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada XFS Fardowso Cusmaan Cigaal ayaa xarigga ka jartay xarunta dayactirka diyaaradaha oo markii ugu horeysay 34-Sano ka dib maanta dib loo howl geliyay .

Blue Hanger waa xaruntii ugu horreysay ee lagu hubiyo bedqabka diyaaradaha lagu dayactiro ee burburkii ka dib laga hirgeliyo dalka, waxaana hirgeliyay shirkad ay aasaaseen ganacsato Soomaaliyeed laguna magacaabo Aerosom.

Wakiilada diyaaradaha ayaa ka caban jiray baahida dayactirka ay u tagi jireen wadamada deriska la Soomaaliya sida Kenya iyo Uganda.

Mana jirto xarun lagu dayactiro diyaaraddii ay cillad qabsato, taas oo sababtay in ay u safraan Kenya iyo Uganda, si loo hubiyo bedqabkooda. 

Arrintan ayaa ka dhigan in ku dhawaad 130 duullimaad oo uu martigeliyo Garoonka Aadan Cabdulle ee Muqdisho, ay heli doonaan adeegyo lagu hubinayo badqabkooda dalka gudihiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo balan-qaadey in labo arrimood ay ka taageeraysa Soomaaliya

Ku dhawaaqistan waxay imaaneysaa kaddib markii xiriirka labada dal la gaarsiiyay heer iskaashi istiraatiiji ah.

  • Soomaliya

    21-09-2025

  • 07:19AM

Furitaanka Baarlamaanka oo Dib u Dhacay Xili ay Taagan Yihiin Muran Siyaasadeed iyo Khilaaf Doorasho

Xamse ayaa meesha ka saaray in uu u tartami doono xilka Madaxweynaha, isagoo sheegay in uu weli xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    20-09-2025

  • 02:01PM