Soomaaliya: Qaar kamid ah raggii weeraray Naaso-hablood2 oo la qabtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa ku guulaystay inay soo afjaraan howlgal qaatay in kabadan 11 saacadood, kadib markii dablay hubaysan oo katirsan Al Shabaab weerar ku qaateen hotel Naaso-hablood 2.

Mallayshiyadan oo laamaha amnigu shaaciyeen inay gaarayeen 5 qof ayaa gacanta lagu dhigay saddex kamid ah, kuwaasoo muddo ka dhex dagaallamay hotelka dhexdiisa.

Dablayda ayaa mid kamid ah ciidamadu toogteen intii howlgalku socday, halka mid kale isku qarxiyay ciidamo hoos jooga intuu iska soo tuuray qaybta sare ee hotelka.

Arrintan waxaa saxaafadda u sheegay Afhayeen u hadlay Wasaaradda Amniga gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya oo lagu magacaabo Cabdicasiis Xildhibaan.

“Ciidamada Amniga waxay ku guuleysteen inay soo qabtaan saddex ka mid ah kooxdii weerarka soo qaatay.” ayuu yiri sarkaalkaas oo hadalkiisa kusii daray in raggan kooxaha sharwadayaasha ah tallaabo laga qaadi doono.

Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan oo ku bilowday labo qarax, balse waxaa saraakiisha caafimaadku sheegayaan in dhimashadu ka badantahay 25 qof.

Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan iyadoo baahisay inay bartilmaameedsadeen saraakiil katirsan dowladda.

Waxaa ku dhintay dad badan oo uu ku jiro wasiirkii Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed, Xildhibaan hore iyo sarkaal katirsan nabad sugidda.

Waa weerarkii labadaas oo bishan gudaheeda ka dhaca Muqdisho, xilli ay caasimadda Soomaaliya ku suganyihiin mas'uuliyiinta ugu saraysay dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada oo la filayo inay maanta isugu yimaadaan shir ay uga hadlayaan khilaafaadka u dhaxeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Safiirka UK oo Muqdisho ku tilmaamay mid ka mid ah goobaha ugu khatarta badan dunida  

Safiirka ayaa ku dhuftay in wadashaqayn dhow oo ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya, Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-05-2026

  • 01:41PM

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM