Soomaaliya: Qarax culus oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan oo khasaarooyin kala duwan sababay ayaa saaka oo sabti ah waxa uu ka dhacay waqooyiga magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Goob-joogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qaraxa uu ka dhashay Bam gacmeed lagu tuurey fariisin ciidamada xasilinta ay ku leeyihiin Isgoyska Fagax ee degmada Yaaqshiid.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku dhimatay, 5 kale oo saddex kamid ay yihiin Askar ayaa ku dhaawacmay qaraxa, kaasi oo ahaa mid culus oo burbur xooggan gaarsiiyay dhismooyin goobta ku yaallay.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa ku jira hal Askari oo ciidamada xasilinta katirsanaa, iyadoo ay dhawaacmeen labo kale oo Xaaladoodu ay culus tahay, kuwaasi oo la dhigay Isbitaal ku yaalla magaalada.

Kooxda Al Shabaab ayaa durbaba sheegatay mas'uuliyadda qaraxa bam-gacmeedka iyadoo ku faantay inay ku dishay 5 Askari, sidoo kalane ay ku dhaawacday tiro intaasi ka badan.

Saraakiisha Hay'adaha amaanka dowladda wali kama aysan hadlin weerarka, oo qeyb ka ah qaraxyo mudooyinkii dambe kusoo kordhayay magaalada Caasimadd ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM