Soomaaliya: Qarax Gaari oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax Gaari ayaa saaka ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen falal amni darro iyo dilal qorsheysan.

Qaraxan oo ahaa nooca baabuurta lagu xiro ayaa waxa uu ka dhacay Xaafadda Taleex ee degmada Hodon, waxaana ka dhashay khasaarooyin kala duwan, sida ay sheegeen Saraakiisha amaanka demada.

Labo qof oo la socotay Gaariga ayaa ku dhaawacmay kuwaasi oo mid kamid ah magaciisa lagu soo gaabiyay Catoosh, kaasi oo ahaa Darawalka, waxaana soo gaarey dhaawac culus, iyadoo loola cararay Isbitaal goobta ka dhaw.

Lama oga waxay yihiin iyo halka ay katirsan yihiin dadkan Gaariga qaraxa loogu xiray, balse saraakiisha Booliska ayaa goobta gaarey oo la sheegay inay wadaan baaritaan la xiriira qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada qaraxa.

Fahfaahin kala soco wararkeena dambe Haddii ALLE idmo.!

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM