Soomaaliya: Qarax ka dhacay gobolka Hiiraan

Image

BALEDWEYNE, Soomaaliya - Qarax geestay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac, ayaa saaka waxa uu ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.

Inta la xaqiijiyay 7 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxa, oo la sheegay inuu ka dhashay waxyaabaha qarxa oo saarnaa Gaari nooca NOAH loo yaqaano, oo ay la socdeen xubno katirsan Al Shabaab.

Gaariga ayaa ku qarxay deegaan lagu magacaabo Durdur, oo qiyaastii 40KM dhanka Koonfur uga beegan magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ku dhintay qaraxa ay ahaayeen dagaalyahano katirsan Al shabaab, oo doonayay inay isku qarxiyeen saldhig Ciidamada Militariga Soomaaliye ku leeyihiin deegaankaasi.

Ciidamada dowladda ayaa ku baxay goobta, oo wada baaritaan qaraxa ku saabsan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM