Soomaaliya: Qarax ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan ayaa xalay ka dhacay deegaan ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Qaraxan oo ka dhashay miino wadada qarkeeda lagu aasay, ayaa lagula eegtay gaadiid dagaal oo ay la socdeen ciidamo katirsan Hay'adda Nabad Sugida Soomaaliya [NISA] deegaanka Ceelasha Biyaha.

Wararka ayaa sheegay in mid kamid ah gaadiidka ciidamada wateen uu qaraxa ku burburay, iyadoo khasaarooyin kala duwan kasoo gaarey Askartii saarnayd, inkasoo aan tirada rasmi ah la ogeyn.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay deegaanada ku yaalla nawaaxiga Muqdisho, waxaana wararku ay sheegayaan in ciidamada la beegsaday ay xireen wadada isku xirta Muqdisho iyo degmada Afgooye.

Al Shabaab ayaa sheegtay in 10 Askari oo kamid ahaa ciidamada NISA, gaar ahaan kuwa loo yaqaano ALPHA GROUP, ee Mareykanka uu tababaray.

Saraakiisha NISA kama aysan hadlin weerarkan iyo khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada NISA ayaa baro koontarool oo lagu baaro gaadiidka ka yimaada gobollada dalka waxay ku leeyihiin duleedka magaalada Muqdisho, kuwaasi oo mararka qaara weeraro qaraxyo miinooyin u badan kala kulma Al Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM