Soomaaliya: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax khasaaro sababay ayaa ka dhacay saaka aroortii magaalada Muqdisho, kaasi oo lala eegtay Gaari ay la socdeen ciidamo katirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Goobjooge ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ay haleeshay Gaari nooca Cabdi-Billaha loo yaqaano xilli uu marayay meel ku dhaw Isgoyska Ex-control Afgooye.

Inta la xaqiijiyay 5 Askari oo kamid ah ciidamada Militariga dowladda Soomaaliya ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana la dhigay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa waxa uu haleelay Gaariga oo markaasi si xowli ah ku socday, kana yimid dhanka Haanta Dheer ee degmada Deyniile, kuna soo wajahnaa Ex-control Afgooye, oo ah halka laga soo galo magaalada Caasimadd ah.

Ciidamada dowladda ayaa goobta xiray wax yar kadib qaraxa, iyagoo sameeyay howlgal hakad geliyay isku socodka baabuurta iyo dadweynaha wadada aadka u mashquulka badan ee isku xirta Muqdisho iyo gobolka Shabeellaha hoose.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan, oo noqonaya kii ugu dambeeyay qaraxyo miino oo maalmahan ksuoo kordhaya Mqdisho kuwaasi oo lala eeganayo ciidamada dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM