Soomaaliya: Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax xooggan oo khasaaro geestay ayaa saaka oo Axad ah ka dhacay magaalada Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya.

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in laba ruux oo shacab ah ayaa ku geeriyootay, qaar kalena ay ku dhaawacmeen qarax miino oo saaka ka dhacay agagaarka Jaamacadii Gaheyr.

Qaraxa ayaa jugtiisa laga maqlay meel fog-fog oo magaalada katirsana, waxaana dadka ka agdhawaa ay sheegeen in miinada lagu qariyay goob qashinka la dhigo, oo ku dhaw albaabka laga galo Jaamacadda.

Labada ruux ee geeriyootay oo mid ka mid ah haweenay ay tahay, ayaa xilliga qaraxa uu dhacaayay waxa ay marayeen goobta sidaasi ayeeyna qaraxa ugu geeriyoodeen. 

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa degan xarunta Jaamacaddii hore ee Gaheyr oo sanadkii tagey ay ka guureen ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Burundi.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa, laakiin waxay saraakiisha Booliska oo goobta gaarey sheegeen in falkan uu yahay mid ay ka dambayso Kooxda Al Shabaab oo inta badan qaraxyada noocan ah ka fulisa dalka, gaar ahaan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM