Soomaaliya & Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka ciidamada ah

Image
Saxiixa heshiiska ka dib ayaa waxaa kulan wada qaatay labada madaxda Ciidamada Soomaaliya iyo Qatar.

Doha (GO) - Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyidiin iyo dhiggiisa dalka Qatar Saalim bin Xamad Al-Caqiil ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar.

Saxiixa heshiiska ka dib ayaa waxaa kulan wada qaatay labada mas’uul, kaasi oo diirada lagu saarayay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dhanka difaaca iyo amniga labada dal.

Heshiiskan ayaa looga golleeyahay in sare loogu qaado iskaashiga milatari ee labada dal, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyo badan oo faa’iido u leh labada dal.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xilli heshiis kale ay dowladda Soomaaliya la saxiixatay dowladda Turkiga, kaasi oo la doonayo in sare loogu qaado tayada difaaca iyo taageerada ciidamada Soomaaliya.

Dadka u dhuundaloola arrimaha Siyaasadda ayaa rumeysan in heshiisyadani ku sababeeyay xiisadda sii kordhaysa ee gobolka, gaar ahaan ka dib heshiiskii Itoobiya & maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM

QM oo ku baaqday in Soomaaliya dib u eegto sharciyada la-dagaalanka argagixisada, xilli xasaasi ah

Wuxuu xusay in dambiyo aan dil la xiriirin ay haddana keeni karaan xukun dil ah, taasoo aan la jaanqaadayn shuruucda caalamiga ah.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:09AM