Soomaaliya & Qatar oo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka ciidamada ah

Image
Saxiixa heshiiska ka dib ayaa waxaa kulan wada qaatay labada madaxda Ciidamada Soomaaliya iyo Qatar.

Doha (GO) - Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxuyidiin iyo dhiggiisa dalka Qatar Saalim bin Xamad Al-Caqiil ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Dooxa ee Caasimada dalka Qatar.

Saxiixa heshiiska ka dib ayaa waxaa kulan wada qaatay labada mas’uul, kaasi oo diirada lagu saarayay sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga dhinacyada kala duwan ee dhanka difaaca iyo amniga labada dal.

Heshiiskan ayaa looga golleeyahay in sare loogu qaado iskaashiga milatari ee labada dal, iyo xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee dhinacyo badan oo faa’iido u leh labada dal.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xilli heshiis kale ay dowladda Soomaaliya la saxiixatay dowladda Turkiga, kaasi oo la doonayo in sare loogu qaado tayada difaaca iyo taageerada ciidamada Soomaaliya.

Dadka u dhuundaloola arrimaha Siyaasadda ayaa rumeysan in heshiisyadani ku sababeeyay xiisadda sii kordhaysa ee gobolka, gaar ahaan ka dib heshiiskii Itoobiya & maamulka Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM