Soomaaliya: Rag Al Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada oo la xukumay [Daawo]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah xukunno kala duwan ku riday rag ku eedaysanaa inay katirsan yihiin Kooxda Al Shabaab, ee xiriirka la leh Al Qaacidda.

War qoraal ah oo kasoo baxay Maxkamadda ayaa lagu shaaciyay in la xukumay seddex eedeysane oo Ciidamada amnigu soo qabteen iyagoo walxaha qarxa ku diyaarinayay guri ku yaal deegaanka Ceelasha Biyaha ee gobolka Shabeellaha hoose.

Magacyada eedaysanayaasha la xukumay:-

1- Maxamed Cabdiraxmaan Maxamuud, 30 jir ah ku dhashay gobolka Shabeellaha Hoose [Xukun Xabsi Daa’in]

2- Jamaal Maxamed Cali, oo ku dhashay Muqdisho [10 Sano oo Xabsi ah]

3-Axmed Aadan Weerar, oo isna ku dhashay Muqdisho [10 Sano oo Xabsi ah].

Maxkamadda ayaa sheegtay in saddexda eedaysane ay qirteen dhamaan eedaymaha loo soo xiray, ee ah inay Al Shabaab u qaabilsanaayeen dhanka sameynta qaraxyada, islamarkaana lagu soo qabtey iyagoo falka gacanta kula jira.

Ugu damneyntii Maxkamadda ayaa sheegtay in ciddii aan ku qanacsanayn Xukunka uu racfaan u furan yahay.

Hoos ka Daawo Muuqaalka:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM