Soomaaliya: Rag dilay Oday dhaqameed oo lagu qabtey Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Xasilinta Caasimadda, ayaa gacanta ku dhigay dhowr qof, oo looga shakisan yahay inay dileen mid kamid ah Ergadii dooratay Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in raggan oo gaaraya saddex, ay ku qabteen howlgal gaar ah, oo ka dhacay magaalada, iyagoo wata gaari uu lahaa marxuum Cabdi Nuunow, oo habeenkii Isniinka lagu dilay duleedka Muqdisho.

Allah ha u naxariistee marxuum Cabdi Nuunow, waxaa toogtay rag hubaysan, oo u galay wadada isagoo marayay Deegaanka Xaawo Cabdi, kana yimid magaalada Muqdisho.

Dhalinyarada lasooo qabtey ayaa watey Gaari Odayga la dilay, oo nooca SPACIO, kaasi oo hadda ay la wareegeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Al Shabaab oo inta badan beegsata Odayaashii soo xulay Xildhibaanada, ayaa looga shakisan yahay inay ka dambaysay dilka Cabdi Nuunow.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM