Soomaaliya: Rag qaraxyo ka fuliyay Muqdisho oo la xumay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xukunno kala duwan waxay ku riday 4 xubnood oo katirsan Al Shabaab.

Gudoomiyaha Maxkamadda darajada kowaad ee ciidamada, Korneel Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay go'aanka Maxkamadda kasoo baxay, isagoo xusay in raggan la xukumay lagu helay dembiyadii lagu soo eedeeyay, oo la xiriira falal argagxiso.

Ragga la xukumay:

Cabdiqaadir Abuukar Shaacir [Dil toogasho ah]

Maxamed Cumar Akiile [Xabsi Daa’in]

Daa’uud Maxamed Cali [10 sano oo xabsi ciidan ah]

Cabdullaahi Ibraahim Geesey [Labo Sano oo Xabsi ciidan ah]

Korneel Xasan Cali Nuur Shuute oo xukunka Maxkamadda u akhriyay Saxaafadda ayaa sheegay in afarta qof oo katirsan Al Shabaab ay qaraxyo ka fuliyeen hoteello ku yaalla Wadada Makka Al Mukarama.

Cadeymaha Maxkamada la horgeeyay waxaa kamid ahaa Muuqaallo ay duubeen Kaamirooyinka ku xiran wadooyinka Muqdisho, kuwaasi oo kasoo dhex-muuqdaan raggan la xukumay qaarkooda.

Dembiiliyaasha waxaa u furan racfaan, hadii aysan ku qanacsanayn xukunka Maxkamada, sida uu sheegay Gudoomiye Xasan Cali Nuur Shuute.

Hoos ka akhro qoraalka Maxkamadda:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM