Xamse oo ergo u dirsaday koox ay siyaasadda isku hayaan

Image

MUQDISHO, ( GO)- Warar lagu kalsoonyahay oo ay heshey Garoowe Online ayaa xaqiijinaya in khilaafka ka dhaxeeya Ra’isulwasaare Xamse Cabdi Barre iyo qaar ka mid ah kooxda madaxweynaha ku xeeran uu gaaray heer Ra’isulwasaaraha uu ergo dirsado.

Wararka ayaa sheegay in Xamse uu ergo ahaan u dirsaday siyaasi aan hadda xil hayn balse ay madaxweynaha aad isugu dhowyihiin, kaas oo uu u sheegay cabashadiisa ku aaddan xurmad darada iyo wada shaqayn la’aanta uu kala kulmayo qaar ka mid ah kooxda madaxweynaha ku xeeran, kuwaas oo qaarkood la rumeysanyahay in ay Golaha Wasiirada ka tirsanyihiin.

Hase yeeshee koox kale oo madaxweynaha saamayn balaaran ku leh sida wasiirka waxbarashada Faarax Cabdiqaadir iyo Taliyaha Nabad Suggida ayaa la sheegay in Ra’isulwasaaraha ay aad ula dhacsanyihiin, marar badana codsadeen in la xushmeeyo Ra’isulwasaaraha, fursadna loo siiyo in uu shaqadiisa guto halkii la barbar ordi lahaa.

Shaqsiyaadka Ra’isulwasaaraha uu ka cabanayo ayaa la sheegay in xitaa aysan kasoo muuqan kulamada Golaha Wasiirada, sidoo kalena ay aadaan safaro aysan fasax uga qaadan Ra’isulwasaaraha, iyaga oo hawlaha shaqada ay hayaan si toos ah ugu wargaliya xafiiska madaxweynaha.

Madaxweynaha laftiis ayaa la sheegay in uusan xilligan doonaynin in uu dhexgalo buuq siyaasadeed, sidaas darteedna uu ka meermeerayo in uu kala xukmiyo labada dhinac.

Dad ka warqaba xaaladda ayaa sheegay in Ra’isulwasaaraha uu wax badan la aamusanyahay, lagana yaabo in mar uu burqan doono, qaadi doonana talaabooyin la wada dareemo.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dabageed oo ka hadlay khilaafka siyaasiyiinta Hiiraan iyo maamulka HirShabelle

Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa tibaaxay in khilaafkan uu caqabad ku yahay horumarka dowlad goboleedka.

  • Soomaliya

    12-05-2024

  • 02:14PM

Dhageysiga rafcaanka kiiska Sayid Cali Daa'uud oo lasoo gabagabeeyay

Maxkamaddu waxay sheegtay inay ku dhawaaqi doonto go’aanka kama dambaysta ah, balse ma aysan cayimin taariikhda.

  • Soomaliya

    12-05-2024

  • 02:08PM