Soomaaliya: Saan-saan colaadeed oo ka taagan Gedo

Image

GARBAHAAREY, Soomaaliya - Wararka aan ka helay gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay billaabeen dhaq-dhaqaaqyo military iyo guluf coladeed oo ka dhan ah Al Shabaab.

Colonel Cabdifitaax Maxamed Turbac, oo ah Taliyaha Guutada 49-aad ee ciidamada xoogga dalka ayaa xaqiijiyay in ay ku jiraan diyaar-garowgii ugu dambeeyay duulaan Al Shabaab looga saareyo deegaanada ay kaga sugan yihiin gobolka Gedo.

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalka ay kawada qeyb-qaadanayaan ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Jubbaland oo ay kaabayaan ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah Howlgalka AMISOM.

Waxa uu intaasi ku daray Taliye Turbac in dhawaan Al Shabaab ay ka saareen deegaannoo dhwor ah, bals ay dib ugu soo laabteen markii ay ciidamada joojiyeen howlgalladoodii joogtada ahaa, balse hadda ay qaadayaan duulaan kama dambays ah.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ayaa gacanta ku haya degmooyinka gobolka Gedo waxaana ka jira maamullo hoos taga Jubbaland, balse caqabada jirta ahaa ah in degmooyinka aysan isku gudbi karin, oo Al Shabaab ay go'doomisay.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM