Soomaaliya: Safarka Madaxweyne Ku-Xigeenka Jubbaland ee Gedo oo baaqday

Image

LUUQ - Madaxweyne Ku-Xigeenka 1aad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa lagu waday Maanta oo Isniin ah in ay safar ku tagaan Degmadda Luuq ee Gobolka Gedo, socdaalkaas ayaa baaqday iyada oo aan la shaacin sababaha keenay.

Waxaa la filayey in safarka Madaxweyne ku-xigeenka 1aad ee Jubbaland ay ku wehliyaan Wasiiro ka tirsan Xukuumadda maamulka iyo xubno ka mid ah Golaha Wakiilada iyo Mas'uuliyiin kale.

Subaxnimadii hore ee saaka waxaa jirey diyaar garow ballaaran dhanka ammaanka ah oo laga dareemayay Degmadda Luuq, kaasoo loogu diyaar garoobayay soo dhaweynta Madaxweyne Ku-Xigeenka.

Safarka Maxamuud Sayid Aadan waxaa ka horeeyay dhaqdhaqaaqyo ciidan, kuwaas oo ku soo qulqulyey Degmadda si ay ugu kuur galaan xaalada amni. Luuq ayaa ka mid aheyd degmooyinka si aad looga soo horjeedaay Maamulka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Booqashadan waxa ay ujeedkeedu tahay in Madaxweyne Ku-Xigeenka la fariisto dadka deegaanka, iyadoo ay u dheer tahay mashaariic horumarineed oo ay Dawladda Jubbaland Markii ugu horreysey muddo 5 sano ah ka fulineyso Gobolka Gedo.

Wararka qaar waxa ay sheegayaan in socdaalkan uu horudhac u ahaa imaanshaha Madaxweynaha Dawladda Jubbaland Axmed Madoobe oo la filayo todobaadyada soo socda in uu soo gaaro Gobolka Gedo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hamse Cabdi Barre: Jubaland waxaan ka billaabi doonaa Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Dowladda federaalka ayaa doorashooyinka u aragta kuwo muhiim u ah dhisidda hay’adaha dowlad-goboleedyada.

  • Soomaliya

    18-09-2025

  • 12:38PM

Xasan Sheekh oo soo bandhigay qaabka lagu xalin karo xiisadda Masar iyo Itoobiya

Hadalkan madaxweynaha Soomaaliya ayaa imaanaya xilli ay Itoobiya si rasmi ah u daahfurtay biyo-xireenka.

  • Soomaliya

    17-09-2025

  • 12:28PM