Soomaaliya: Saraakiil xabsiga loo dhigay xariga mas'uul sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Muuse Maxamed ayaa maanta oo Isniin ah maray amray in lasoo xiro 2 sarkaal, oo katirsan hay'adaha amniga kadib markii ay xabsiga dhigeen mas'uul katirsan Xukuumadda Khayre.

Labada sarkaal ayaa lagu eedeeyay inay xireen Daahiir Maxamed Nuur, Agaasimaha Waaxda Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya Todobaadkii hore iyagoo aan warqad maxkamadeed haysan.

Agaasiimaha ayaa xilli habeen saq dhexe ah lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kadibna loo xiray eedaymo ku aadan inuu lunsday lacag dhan 84 milyan oo dollar.

Muuse Maxamed, gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in xariga Agaasimaha loo maray sifo aan sharci ahayn, waxaana uu amray in lasoo xiro saraakiishii bixisay amarka lagu soo xiray Agaasime Daahir.

Amarka Gudoomiyaha kadib, Ciidamada amaanka ayaa soo xiray Saraakiisha oo lagu kala magacaabo Maxamed Cabdi Axmad iyo Farxaan Cabdixakiim Mursal oo katirsan waaxda demi-baarista ee CID-da, ayaa loo dhaadhiciyay Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa illaa hadda wax war ah kasoo saarin eedaymaha lagu soo xiray Agaasimaha Waaxda dib u dejinta dadka kusoo barakacay Muqdisho ee Wasaaradda arrimaha bini'aadanimada iyo maareynta Musiibooyinka.

Soomaaliya safka hore uga jirta dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, ayaa hadii ay ku cadaato Agaasime Daahir eedaymaha loo haysto ay waji gabax ku noqon doonto olalaha ay wado xukuumadda oo ah la dagaalanka musuq-maasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM