Soomaaliya: Saraakiil xabsiga loo dhigay xariga mas'uul sare

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir, Muuse Maxamed ayaa maanta oo Isniin ah maray amray in lasoo xiro 2 sarkaal, oo katirsan hay'adaha amniga kadib markii ay xabsiga dhigeen mas'uul katirsan Xukuumadda Khayre.

Labada sarkaal ayaa lagu eedeeyay inay xireen Daahiir Maxamed Nuur, Agaasimaha Waaxda Barakacayaasha ee Wasaaradda Gargaarka iyo Musiibooyinka ee xukuumadda Soomaaliya Todobaadkii hore iyagoo aan warqad maxkamadeed haysan.

Agaasiimaha ayaa xilli habeen saq dhexe ah lagu weeraray gurigiisa oo ku yaalla degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kadibna loo xiray eedaymo ku aadan inuu lunsday lacag dhan 84 milyan oo dollar.

Muuse Maxamed, gudoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in xariga Agaasimaha loo maray sifo aan sharci ahayn, waxaana uu amray in lasoo xiro saraakiishii bixisay amarka lagu soo xiray Agaasime Daahir.

Amarka Gudoomiyaha kadib, Ciidamada amaanka ayaa soo xiray Saraakiisha oo lagu kala magacaabo Maxamed Cabdi Axmad iyo Farxaan Cabdixakiim Mursal oo katirsan waaxda demi-baarista ee CID-da, ayaa loo dhaadhiciyay Xabsiga dhexe ee Muqdisho.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa illaa hadda wax war ah kasoo saarin eedaymaha lagu soo xiray Agaasimaha Waaxda dib u dejinta dadka kusoo barakacay Muqdisho ee Wasaaradda arrimaha bini'aadanimada iyo maareynta Musiibooyinka.

Soomaaliya safka hore uga jirta dalalka ugu musuq-maasuqa badan caalamka, ayaa hadii ay ku cadaato Agaasime Daahir eedaymaha loo haysto ay waji gabax ku noqon doonto olalaha ay wado xukuumadda oo ah la dagaalanka musuq-maasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM