Soomaaliya: Sarkaal katirsan dowladda oo ka badbaaday Isku-day Dil

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dabley hubaysan oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Al shabaab ayaa saaka ku dhaawacay magaalada Muqdisho Sarkaal katirsan Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Mas'uulkan oo lagu magacaabo Cabdullaahi Sheekh Cumar, islamarkaana ah Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaliya ayaa lagu dhaawacay degmada Dharkenleey, ee gobolka Banaadir, xilli uu kusii jeeday goobtiisa shaqo.

Rag bastoolado ku hubaysan, ayaa Cabdullaahi Sheekh Cumar, ku furey rasaas xilli uu Gaarigiisa Shidaal uga shubanayay goob ku taalla degmada, waxaana kasoo gaarey weerarka dhaawac fudud, iyadoo kadibna loola cararay mid kamid ah Isbitaallada Muqdisho.

Goob-jooge la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa xaqiijiyay in rag bastoolado ku hubaysan ay gaysteen weerarka, lala damacsanaa in lagu dilo Cabdullaahi Sheekh Cumar, kuwaasi oo goobta isaga baxsaday, kahor inta aan soo gaarin Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Isku-dayga dil, iyadoo Saraakiisha maamulka degmada aaney wali ka hadal dhacdadaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM