Soomaaliya: Shabaab iyo Shacab ku dagaalamay Galgaduud

Image

CEEL BUUR, Soomaaliya - Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dagaal qaraar u dhaxeeya Al Shabaab iyo shacab hubaysan uu ka dhacay meel ku dhaw degmada Ceel-Buur.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka culus ayaa ka dhacay Tuulada Wamooley oo ku taalla inta u dhaxaysa degmooyinka Ceel-Buur iyo Dhuusamareeb, oo kawada tirsan gobolka Galgaduud.

Isku dhacan ayaa ka dambeeyey kadib markii dadka reer mi’yiga ah ay ka biyo diideen codsi uga yimid Al-shabaab ee ahaa in ay bixiyaan xoolo iyo dhaqaale ay ku iibsadaan hub ay kula dagaalaan dowladda.

Dadka deegaanka ayaa kasoo horjeestay dalabka Al Shabaab, waxayna qaateen hubkooda si ay kooxdan uga difaacdaan xoolahooda, waxaana ay la galeen dagaal culus oo geestay khasaarooyin isagu jira dhimasha iyo dhaawac.

Maamulka gobolka wali wax war ah kama uusan soo saarin dagaalka, balse, dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya inay ka jirto xiisad goobihii dagaalka uu ka dhacay.

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa kusoo badaneyey gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya iska horimaadyo u dhexeeyeya Al Shabaab iyo dad shacab ah kuwaasi oo salka ku hayo muranka Zakada qasabka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM