Soomaaliya: Shabaab iyo Shacab ku dagaalamay Galgaduud

Image

CEEL BUUR, Soomaaliya - Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dagaal qaraar u dhaxeeya Al Shabaab iyo shacab hubaysan uu ka dhacay meel ku dhaw degmada Ceel-Buur.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka culus ayaa ka dhacay Tuulada Wamooley oo ku taalla inta u dhaxaysa degmooyinka Ceel-Buur iyo Dhuusamareeb, oo kawada tirsan gobolka Galgaduud.

Isku dhacan ayaa ka dambeeyey kadib markii dadka reer mi’yiga ah ay ka biyo diideen codsi uga yimid Al-shabaab ee ahaa in ay bixiyaan xoolo iyo dhaqaale ay ku iibsadaan hub ay kula dagaalaan dowladda.

Dadka deegaanka ayaa kasoo horjeestay dalabka Al Shabaab, waxayna qaateen hubkooda si ay kooxdan uga difaacdaan xoolahooda, waxaana ay la galeen dagaal culus oo geestay khasaarooyin isagu jira dhimasha iyo dhaawac.

Maamulka gobolka wali wax war ah kama uusan soo saarin dagaalka, balse, dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya inay ka jirto xiisad goobihii dagaalka uu ka dhacay.

Mudooyinkii ugu dambeeyey waxaa kusoo badaneyey gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya iska horimaadyo u dhexeeyeya Al Shabaab iyo dad shacab ah kuwaasi oo salka ku hayo muranka Zakada qasabka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM