Soomaaliya: Siduu u dhacay Dabaal dagga ciidan Badda? ]Daawo]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada Badda Soomaaliya ayaa maanta 55 sano jirsaday kadib markii ay u dabaal dageen sanad guuradii 53-aad ee kasoo wareegatay aas-aaskooda oo ahaa 10-kii Febuary, 1965-tii.

Taliyaha Ciidanka Badda Admiral Madeey Nuurey oo ka hadlay munaasabadda ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray ciidanka, isagoo tilmaamay inay kasoo kabanayaan burburkii soo gaarey.

Wasiirro uu kamid yahay Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Mursal, Xildhibaanno iyo Taliyaha ciidamada xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad-guurada 53-aad ee aas-aaska ciidanka badda oo ka dhacday Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM