Soomaaliya: Tirada ciidamada Danab oo la kordhinayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada sida gaarka u tabobaran ee Danab ee ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayay wararku sheegayaan in tiradooda la labolaabi doono bilaha soo socda kadib markii ay natiijooyin wax ku ool ah kasoo hoyiyeen la dagaalanka Alshabaab.

Ciidankani ayaa waxaa maalgalisa dowladda Maraykanka, taas oo keliya aanan bixin mushaaraadka sareeya, ee sidoo kale ciidankani siisa saanadda ciidan ee kala duwan, hub aysan haysan ciidanka intiisa kale iyo waliba diyaaradaha duuliye la’aanta ah.

Wararka ay GO heleyso ayaa sheegaya in dowladda Maraykanka ay bixinayso miisaaniyad dheeraad ah oo lagu tabobaro boqolaal kale oo ciidadamadan ka tirsan, kuwaas oo hadda hawshooda ka socoto meelo kala duwan oo dalka ka mid ah.

Tiro ahaan hadda waa 1500, waxaana la gaarsiinayaa illaa 3 kun oo askari sida ay wararka sheegayaan.

Ciidankan oo taliskooda iyo xerooyinkoodaba ay ka gaar yihiin kuwa kale ee xoogga dalka ayaa waxaa hawlgaladooda maamula saraakiisha Maraykanka, inkasta oo si guud ay u hoos tagaan taliska xoogga dalka.

Lama hayo xog ah qaabka loo qorayo iyo in maamulada dalka laga kala keenayo Askarta ka qayb galaysa tababarkaan. 

Waxa ay hadda qeyb weyn ku leeyihiin hawlgalada ka dhanka ah ururka Alshabaab, kaas oo la sheegay in ay natiijooyin la yaab leh kasoo hoyiyeen meelihii ay ka hawlgaleen, haddane Alshabaab ay biloowday in ka firxadaan dagaalka ay Danab dhinac kasoo gasho.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM