Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay Qaraxa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomalaiya - Weerar ismiidaamin ah ayaa waxaa saakay lala beegsaday guutada 14-ka October ee fadhigoodu yahay magaalada Marka, waxaana qaraxaasi ka dhashay dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray ciidanka.

Inkastoo aysan ilo-wareedyada soo bandhigin qaabka uu ninka is qarxiyay uu ku galay xeradaan oo amaankeeda adagyahay, haddana wararka qaar waxay sheegaya in ruuxa weerarka geystay uu ka mid ahaa askarta guutada.

Qasaaraha ugu badn ee qaraxa waxa uu soo gaaray ciidamada guutada 14-ka October ee ku sugan Kulliyada Jaalle Siyaad ee ku taalla wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la doonaayey in dib loo howlgeliyo si ay ugu laabtaan magaalada Marka.

Saraakil Amni ayaa sheegay in weerarkaasi lagu dilay in ka badan 20 askari, halka tiro badana lagu dhaawacay. Iyadoo dowladdu aysan soo bandhigin xog rasmi ah oo la xiriirta dhacdadan. Halka Al-Shabaab oo soo saartay war qoraal ah ay qaadatey mas’uliyadda weerarka.

Askartii ku dhaawacmay qaraxa ayaa isla markiiba loo soo gudbiyay Isbitaalka Dagfar iyo Isbitaalka Xoogga dalka ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, si ay daqaatiirtu ula tacaalaan xaaladoodii caafimaad.

Wararka GO heshay ayaa sheegay in Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, taliyaha cusub ee Ciidanka XDS uu kusii jeeday xerada kahor qaraxa, isagoo lagu waday inuu la hadlo askarta.

Al-Shabaab ayaa horay ku beegsatay Guutada 14-ka October wadada isku xirta Muqdisho iyo magaalada Marka, iyadoo guutada loogu magac daray xuska dadkii ku dhintay qaraxii Zoobi 2017.

Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinkii dambe waxaa ka jiray xaalad amni xumo oo ka dhalatay weeraro soo noq-noqday oo Al-Shabaab ay ku qaaday saldhigyada ciidamada Soomaaliya ay ku yaalla Magaalada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM