Soomaaliya: Wararkii ugu dambeeyay weerarka Awdheegle

Image

AWDHEEGLE, Soomaaliya - Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab, ayaa aroornimadii hore ee saakay weerar culus waxa ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda Somaliya ay ku leeyihiin Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Weerarka ayaa ku bilowday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa, waxaana xigay dagaal xoogan oo dhexmaray ciidamada Milateriga iyo Maleeshiyaadka. Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hub culus intii uu socday iska horimaadka.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa soo kala gaaray labada dhinac, balse, ilaa hadda lama oga tirada rasmiga ah.

Dhinaca kale, Maleeshiyada ayaa weerar kale ku qaaday, iyadoo habeennimadii Axadda ay weerar ku qaadeen fariisin ciidamada ay ku leeyihiin degmada Berdaale ee gobolka Baay. Wasaaradda gaashaandhigga ayaa xaqiijisay in ciidamada ay ku guuleysteen in ay meesha ka saaraan horjoogihii kooxda iyo maleeshiyaad kale, intii ay iska caabin kala hortageen weerarka.

“Ciidanka hubeysan oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa ku guuleystay in ay fashiliyaan weerar ay xalay maleeshiyaadka Khawaarijta ku soo qaadeen degmada Berdaale ee gobolka Baay” ayay tiri Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Taas bedelkeeda, kooxda xagjirka ah ayaa sheegtay inay saldhiga kala wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, warar hoose ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay weli gacanta ku hayaan saldhigga ciidanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkii hore billowday wax uu madaxweynaha ugu yeeray “dagaal guud” oo ka dhan ah Al-Shabaab, oo ka talisa qeybo ka mid ah miyiga bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya, malaayiin dollarna ka hela “canshuurta” dadka deegaanka iyo baadda ganacsiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM