Soomaaliya: Warbixin laga saarey khasaaraha rayidka ee qaraxyada

Image
Natiijadan ayaa ku saleysan tirokoob la sameeyay intii u dhaxaysay bishii Janaayo Illaa Oktoobar ee sanadkan 2022-ka.

NAIROBI, Kenya - Hay’adda ICRC oo daraasad ku samaysay khasaaraha shacabka kasoo gaaraya weerarada joogtada ee maleyshiyada Al-Shabaab ayaa sheegtay in uu kordhay qiyaas dhan boqolkiiba 30% sanadkan.

ICRC oo war-saxaafadeed rasmi ah soo saartey ayaa tirakoob ka samaysay 10 isbitaal oo ay caawiso oo ku yaala koonfurta, kuna kala yaala Xamar, Baydhabo iyo Kismaayo.

Sida xogta ku cad, 2,113 qof oo shacab ah oo qaba dhaawacyo kala duwan oo rasaas iyo firir qarax ayaa la dhigay isbitaaladaas intii u dhaxaysay bishii Janaayo Illaa Oktoobar ee sanadkan 2022-ka, taas oo aad uga badan tiradii sanadkii hore.

Warbixintan ayaa imanaysa xili shalay weerar ka dhacay Hotel Rays oo madaxtooyada daris la ah lagu diley 15 qof, halka weerarkii ka horeeyay ee Soobe oo bil ka hor ahaa lagu diley 121 qof, boqolaal kalena lagu dhaawacay.

Dowladda federaalka ayaa kaliya sheegtay in weerarkan ay ku naf-waayeen sideed qof oo shacab ah ayna soo badbaadiyeen ciidamadda in ka badan 60 ruux oo mas'uuliyiin ku jiraan.

Shan ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo duulaanka fuliyey ayaa lagu diley hotel Rays, halka mid kalena uu is qarxiyay, sidda uu xaqiijiyey afhayeenka booliska, Sadiiq Doodishe.

Dadweynaha ayaa mar walba u nugul weeraradda ay kooxaha argagixisadda ah a fuliyaan Soomaaliya xilli ciidamadda ammaanka ay si weyn u dayaceen hubtinta gaadiidka maraya baraha kontarool ee ay joogaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM