Warqado lagu doondoonayo ajnabiga ugu sareeya Shabaab oo la daadiyey

Image

BAYDHABO, Koonfur Galbeed – Diyaarado aan heybtooda la aqoonsan ayaa lagu waramay in magaaladda Diinsoor ee gobolka Baay ay ku daadiyeen warqado lagu baadigoobayo Jehad Serwan Mostafa.

Mostafa ayaa ah sarkaal Mareykan ah oo ka tirsan maleeyshiyaadka argagixisadda ah ee Al-Shabaab. Warqadaha waxay ku qoran yihiin luuqada Af Soomaaliga.

Warqadaha ayaa lagu balanqaadey in ruuxii keena xog lagu dili karo ama lagu soo qaban karo Mustafa la siin doono aduun lacageed dhan shan bilyan oo Doolar, si lamid ah, dib-u-dejin.

Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka ayaa sanadkii hore waxay shaacisay in Mustafa uu yahay ajnabiga ugu awooda badan ee ka barbar dagaala xoogaga Al-Shabaab.

Sidoo kale, waxaa lagu sheegay Ameerikaanka haya xilka ugu sareeya kooxdaas. Wuxuu u qaabilsan yahay sameynta qaraxyadda, sidda ku xusan warbixinta.

Dareenka shacabka

Maxamed Eenow, oo kamid ah dadka degaanka, ayaa khadka telefoonka ugu sheegay warsidaha Garowe Online in ay cabsi ku abuurtay arrintaan, maadaama aysan horey u arkin.

"Markaan xaqiiqada ka hadlo dadka degaanka aad ayay u walwalsan yihiin. Maadaama degmadda ay go'doon ugu jirto Al-Shabaab qofna kama bixi karo," ayuu hadalkiisu ku daray.

Illo dhanka ammaanka ah ayaa xaqiijiyey in uu jiro tuhun ah in Mustafa uu ku sugan yahay degaanada maamul goboleedka Koonfur Galbeed gaar ahaan magaalooyinka gobolka Bay.

Saraakiisha ammaanka ee dowlad goboleedka oo xiriiro kala duwan uu la sameeyay bogga GO ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan kiiskaan.

Mareykanka oo kamida xulafada ugu muhiimsan ee Soomaaliya ka caawiya baacsiga argagixisada ayaa u muuqanaya in uu sare u qaadey ugaarsiga Mustafa, kaasoo diidey in uu ka tanaasulay xagjirnimada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM